Danjiraha Ingiriiska ee Soomaaliya Kate Foster ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ku beenisay in ay taageereen muddo kordhintii dhawaan golaha shacabka soomaaliya uu u sameeyay dowladda.
Tani ayaa timid ka dib kulan Danjiraha ay la yeelatay ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Mahdi Maxamad Guuleed.
Sida Danjiraha ay sheegtay “waxaa ra’iisul wasaare ku Xigeenka loo sheegay inaysan UK taageeri doonin muddo kordhin, waxayna madaxda Soomaalida u soo jeedisay in miiska wada hadalka dib loogu laabto”.