11 qof oo ku dhimatay shil tareen oo ka dhacay Masar

0
329

11 qof ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen halka 98 ay ku dhaawacmeen shil tareeno oo laga soo tabiyay dalka Masar.
Tani ayaa timid ka dib markii tareenka u ku gadoomay meel u dhow caasimadda dalka Masar ee Qaahira.
Inka badan 50 gawaarida gurmadka degdeg ah ee loo yaqaano ambalaas ayaa goobta tagay si ay u badbaadiyo dadka ku dhaawacmay shilka.
Maamulka waddooyinka ee tareennada dalka Masar ayaa sheegay inay wali baarayaan sababta tareenka oo ka ambabaxay magaalada Qaahira una socday Mansoura ay cilad ku timid.