Waaxda saadaasha hawada ee dalka ayaa kenyaanka ku boorrisay inay aad uga taxadaraan halista caafimaad ee ka dhalan karto heerkulka sare ee la filaya bishan gudaheeda.
Waaxda ayaa hoosta ka xarriiqday inay suurtagal tahay in qofku uu dareemo madax xanuun, daal iyo waxyaabo la mid ah.
Dadweynaha ayaa lagula taliyay inay biyo badan cabbaan oo ay galinka dambe xilliyada ay qorraxdu aad u kulushahay iska ilaaliyaan inay ku shaqeeyaan meelaha furan.