Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa gaashaanka u daruuray hanjabaad dhawaan ka timid hoggaamiyaha isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga oo ahayd inay sanadkan dib u billaabi doonaan mudaaharaadyada ka dhanka ah dowladda dhexe.
Raila ayaa dalbaday in dowladdu ay ka laabato adeegsiga xeerka maaliyadda ee sanadkii hore ee lagu soo rogay canshuurta dheeraadka ah.
Hasa ahaate madaxweynaha ayaa mucaaradka ugu baaqay in ay kenyaanka u soo bandhigaan qorsho ay ku qanci karaan oo an ahayn keliya dibadbaxyo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladdu aynan marnaba iska fiirsan doonin in shakhsiyaad kooban sida uu hadalka u dhigay ay laaluushaan garsoorayaasha si loo carqaladeeyo dhaqangelinta barnaamijyada dowladda sida caafimaadka iyo mashruuca guriyeynta.