Dalka Ciraaq ayaa lagu soo warramayaa in ay wada-hadallo laba geesood ah ku yeesheen saraakiil matalayay boqortooyada Sacuudi Carabiya iyo Iiraan.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray wanaajinta xiriirka ka dhexeeya dalalkan sida uu qoray wargeyska Financial Times oo soo xiganaya saraakiil sar sare oo labada dhinac ah.
Wada-hadallada ayaa ka dhacay magaalada Baghdaad waxayna imaanayaan afar sano ka dib markii dowladahan ay isku jareen xiriirkii dibloomaasiyadeed.
Sidoo kale waxaa looga hadlay weerarrada kooxda Xuutiyiinta ee Yemen oo dowladda Iiraan lagu eedeyo in ay taageerto ay ku hayso Sacuudi Carabiya.