DHAGEYSO:Ururka NEYD oo raashiin u qaybiyay in ka badan 160 qoys oo danyar ah

0
521

Ururka dhallinyarada ee horumarka Waqooyi Bari ee loo yaqaana North Eastern youth for development magacooduna loo soo gaabiyo NEYD ayaa deeq raashin ah gaar siiyay qoysas danyar ah oo ku nool magaalada Garissa maadama lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadhaan.
Qoysaska deeqda la siiyay ayaa ah ugu yaraan 160 sida uu idaacadda STAR FM u sheegay Cali Tawane Maxamuud oo ka mid ah mas’uuliyiinta ururka NEYD.