Hogaamiyaha mucaaradka ee dalka Raila Odinga ayaa fariin hambalyo ah u diray Felix Tshisekedi oo mar labaad loo doortay madaxweynaha wadanka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC).
Tshisekedi ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashadii dhacday 20-kii bishii December ee sanadkii 2023-kii, isagoo ku guuleystay ilaa boqolkiba 73% codadkii la dhiibtay.
Musharaxii ugu dhowaa ee la tartamayey ee Moise Katumbi ayaa helay boqolkiba 18% codadka la tiriyay sida uu sheegay Gudiga doorashooyiinka ee dalka Congo.
Mr Odinga ayaa sheegay inay rumowday rabitaanka Shacbka Congo kuwaas oo dib u soo doortay Madaxweynaha dalka Congo.