Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa bayaan uu soo saaray ku xaqiijiyay in maanta abaare 7:20 ee subaxnimo uu shil ka dhacay ismaamulka Nakuru.
Shilka oo laga soo tabiyay kala wareegga Eveready ee waddada wayn ee u dhexeysa magaalooyinka Eldoret iyo Nakuru ayaa waxaa isla goobta ku dhintay 5 ruux oo rakaab ahaa.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in wadaha baabuurka xamuulka uu gaariga xakameyn waayay taasoo keentay in baabuurka uu ku dhaco gaadiidka dadweynaha ee loo yaqaano mataatuuda oo ay leedahay shirkadda Ngata Sacco oo ku sii dhacay gaari kale oo xamuul qaada.
Saddexda baabuur waxaa ka mid ah booyadda shidaalka qaada waxayna dhammaantood ku wajahnaayeen Nakuru iyagoo ka yimid Eldoret.
Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa intaasi ku daray in 12 qof oo rakaab ahaa oo shilkaasi ay ka soo gaareen dhaawacyo culus la geeyay isbitaalka heerka 5-aad ee Nakuru.
Dr.Emmanuel Sinei oo ah ku xigeenka madaxa isbitaalkaasi ayaa warbaahinta u sheegay in dhaawacyada badankoodu ay yihiin dhanka madaxa iyo lugaha.
Taliyaha booliiska ee Galbeedka magaalada Nakuru, Francis Wahome ayaa sheegay in meydadka dadka shilka ku dhintay la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka ismaamulka Nakuru .
Burburka baabuurta shilka gashay ayaa la geeyay saldhigga booliiska ee Kaptembwo si baaritaano dheeraad ah loo sameeyo.
Booliiska ayay dantu ku qasabtay in ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku kala eryaan dad badan oo isugu soo baxay goobta uu shilka ka dhacay taasoo ciriiri ku keentay isku socodka gaadiidka ee waddadaasi aadka u mashquulka badan.
Dadkan ayaa doonayay inay galley kala degaan mid ka mid ah baabuurta shilka galay.
Waxaa iyagoo la daaweynaya dhintay labo ruux oo dhaawaca ka mid ahaa tani oo tirada guud ee dhimashada ka dhalatay shilka maanta dhacay ka dhigaysa 7 qof.
Qaar ka mid ah shacabka galbeedka Nakuru oo goobjoog u ahaa shilka ayaa ka hadlay shilka maanta dhacay iyagoo baaq u diray dowladda.
Kala wareegga Eveready Roundabout ayay horay shilal uga dhaceen.
Macluumaadka dowladda ayaa muujinaya in sanad kasta ay gudaha Kenya shilal ugu dhintaan ugu yaraan 3,500 ruux.