Barasaabyada ismaamullada oo diiddan in laga wareejiyo maamulka ECDE

0
318

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee CoG ayaa sheegay in dowladda dhexe aynan la gelin wax heshiis ah oo lagu wareejinaya maamulka tacliinta aasaasiga ee carruurta ee ECDE oo ay hadda gacanta ku hayaan dowlad deegaannada.
Waxaa sidatan sheegtay barasaabka ismaamulka Kirinyaga ahna guddoomiyaha golaha CoG ,Anne Waiguru.
Tani ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii uu dhawaan wasiirka wasaaradda waxbarashada ee dalka ,Ezekiel Machogu sheegay in laga billaabo bisha 1-aad ee sanadka 2024-ta maamulayaasha dugsiyada hoose dhexe ay maareyn doonaan xarumaha ECDE-da.
Haddii ay tani dhaqangasho waxay micnaheedu noqonaysa in shaqadan ay la wareegtay dowladda sare ee dalka.
Hasa ahaatee guddoomiyaha barasaabyada , Anne Waiguru ayaa warqad ku taariikhaysan 28-kii bishan oo ay u qortay wasiirka tacliinta ee dalka ku sheegtay in xarumahan ay maamul ahaan hoos tagaan dowlad deegaannada sidaasi awgeedna uunan jirin nidaam rasmi ah oo taasi ka duwan.
Waiguru ayaa soo dhaweysay isbeddellada lagu sameynaya waaxda waxbarashada ee dalka balse waxay sheegtay in ismaamullada ay sii maamuli doonaan xarumaha ECDE-da ilaa iyo inta heshiis rasmi oo dowladda dhexe loogu wareejinaya laga gaaraya.