7 ka mid ah 10-kii qof ee Kenyaan ah oo sheegay in sanadkan uu ka caqabado badnaa midkii hore

0
285

Ra’yi uruurin ay sameysay shirkadda daraasaadka ee TIFA ayaa lagu ogaaday in sanadkan sii dhamaanaya ee 2023-ka ay jireen caqabado badan marka loo barbardhigo sanadkii hore ee 2022-kii.
Waxaa dareenkan muujiyay 7 ka mid ah 10-kii qof ee kenyaan ah ee lagu wareystay cilmi baarista TIFA.
Agaasimaha guud ee shirkaddan ,Maggie Ireri ayaa sheegtay in si guud, dadku ay sanadkan ku tilmaameen mid ay xaaladaha Kenya sii xumaanayaan.
Waxay hoosta ka xarriiqday in dadkii ka qayb qaatay ra’yi uruurintan ayaa walaac ka muujiyeen qiimaha maciishadda , xaaladaha dhaqaale , shaqo la’aanta iyo helidda amaahda lacageed.
Walaaca ugu badan ee la xiriira caqabadaha sanadkan waxaa laga diiwaangeliyay Nyanza iyo Nairobi oo kala ah boqolkiiba 76 iyo 74 boqolkiiba.
TIFA ayaa cilmi baaristeeda ku wareysatay 1,587 qof waxayna boqolkiiba 87 ee dadkan xaaladaha adag ee sanadkan jiray u aaneeyeen qiimaha sarreeya ee nololeed.
Ireri ayaa sheegtay in boqolkiiba 81 ee dadka ay shirkadda TIFA wareysatay ay ka dayriyeen dhaqaalaha , shaqo la’aanta waxaa la walacsan boqolkiiba 65, caqabadaha la xiriira helidda amaahda lacageed waa boqolkiiba 53 halka jawiga siyaasadeed lagu sheegay boqolkiiba 47.

Dhanka kale 6 ka mid ah 10-kii qof ee kenyaan ah ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay sanadka soo socdo ee 2024-ka.
Rajada ugu badan ayaa laga diiwaangeliyay gobolka Waqooyi Bari waxayna u dhigantaa boqolkiiba 72 waxaana soo raaca gobolka Rift Valley oo ah boqolkiiba 68 .
Ra’yi uruurintan ayaa la sameeyay intii u dhexeysay 25-kii bishii hore ee Nofeembar ilaa 9-kii bishan Diseembar.
Meelaha dadka lagu wareystay ayaa kala ah Bartamaha Rift Valley, Xeebta , Bariga Hoose, gobolka Bartamaha , Nairobi , Waqooyiga , Nyanza iyo Koonfurta.
13-kii bishii Sagaalaad ee sanadkii hore ayay ahayd markii la dhaariyay madaxweynaha dalka William Ruto isagoo xilligaasi ballan qaaday inuu wanaajin doono xaaladaha nololeed ee Kenya.
In kastoo ay jiraan qaar ka mid ah shacabka oo madaxweynaha ku dhaliilaya inuu ka gaabiyay fulinta ballan qaadyadiisi haddana maamulka Kenya Kwanza ayaa ku adkeysanaya inuu qaranka u jiheynaya wanaajinta dhaqaalaha iyo yareynta qiimaha maciishadda.