Wasiirka wasaaradda adeegga dadweynaha ee dalka ,Moses Kuria ayaa sheegay in la rajeynaya in horraanta sanadka soo socdo ee 2024-ta uu Kenya safar ku yimaado wasiirka ganacsiga iyo warbaahinta ee boqortooyada Sacuudi Carabiya ,Dr. Majid Al Qassabi .
Kuria ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee X ku sheegay inuu saaka wasiirka ku booqday hooygiisa magaalada Riyadh.
Waxaa uu intaasi ku daray inay ka wada hadleen sii adkeynta xiriirka ka dhexeya Kenya iyo Sacuudi Carabiya.
Kuria ayaa dhanka kale sheegay inuu la kulmay madaxa fulinta ee shirkadda bixisa adeegyada casriga ee Al Elm,Cabdulraxman Al Jadae.
Kulankaasi ayay diiradda ku saareen si labada waddan ay iskaga kaashan karaan hannaanka adeegyada dowladda lagu fidiyo qaabka dhijitaalka ah.