Ajaaniibta ku nool gudaha dalka oo la siinaya shahaadada hab-dhaqanka

0
751

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa sheegtay in ajaaniibta ku nool gudaha wadanka ay qaab online ah ku codsan karaan qaadashada shahaadada ka turjumeysa hab-dhaqanka qofka ee ay bixiyaan laamaha ammaanka.
Arrinkan ayay waaxdu ku shaacisay qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka.
Waxay adeegsan karaan barta laga furto akoonnada online-ka ee eCitizen iyaga oo buuxinaya macluumaad shakhsiyadeed oo ugu dambeyn laga xaqiijin doono xarunta dhexe ee DCI.