Afar ruux ayaa isla goobta ku dhintay kadib markii uu shil gaari ka dhacay Bulemia oo ka tirsan degmada Budalang’i ee ismaamulka Busia.
darawal kaxaynayay baabuur xamuul ah ayaa la sheegay inuu lumiyay xakameynta taasi oo keentay shilka.
Booliska ayaana sheegay in gaariga xamuulka ah uu marayey wadada Mundere Port Victoria markii uu shilku dhacayay maanta.
Dadka ku nool aaga uu shilka ka dhacay ee ismaamulka Busia ayaa dowlada ka codsaday in laga hagaajiyo wadada .
Dhanka kale Gabar 13 sano jir ah ayaa isla goobta ku geeriyootay halka haweeney kale oo 23 jir ahna uu dhaawac soo gaaray kadib markii uu jiiray gaari xowli ah ku socday tuulada Ndandi, Kisasi, ee ismaamulka Kitui.
Shilka ayaa ka dhacay wadada isku xirta Kibwezi iyo Kitui xili uu gaariga ka yimid Mutomo kuna sii jeeday dowlad deegaanka Kitui.
Saacadihii la soo dhaafay qeybo ka mid ah dalka waxaa laga soo tabiyay shilal sababay dhimasho iyo dhaawac.