Wasiirka arrimaha gudaha, iyo Amjiga dalka Prof Kithure Kindiki ayaa u xaqiijiyay dadka Kenyaanka ah in la adkeynayo ammaankooda inta lagu guda jiro maalmaha fasaxa iyo munaasabada ciida masiixiyiinta.
Wasiir Kindiki ayaa sheegay in iyadoo lagu guda jiro fasax ay laamaha amaanka si adag u shaqeyn doonaan.
Dowlada ayaa aad u daneyneysay in amaanka la adkeeyo inta lagu guda jiro xafladaha ciida masiixiga.
Todobaadki hore ayuu Taliyaha guud ee Booliska dalka Japheth Koome dib ugu yeeray dhamaan saraakiisha Booliska ee fasaxa ku maqnaa si kor loogu qaado amaanka dalka .
Bayaan uu soo saaray Arbacadii, Mr Koome wuxuu ku booriyay dhammaan dadka isticmaala waddooyinka inay dhawraan sharciyada waddooyinka isagoo xusay in 16 qof ay horay naftooda u waayeen usbuucii la soo dhaafay.