2 qof oo ku dhintay shil ka dhacay waddada Nairobi-Mombasa

0
233

Adeegga qaran ee booliiska ee NPS ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in la xaqiijiyay dhimashada labo ruux ka dib shil ka dhacay waddada wayn ee isku xirta ismaamullada Nairobi iyo Mombasa gaar ahaan magaalada Taru oo ka tirsan ismaamulka Kwale.
Shilka ayaa u dhexeeyay mid ka mid ah basaska shirkadda MASH POA iyo baabuur ah nooca Mercedes Benz.
Booliiska ayaa sheegay in baaritaannada horudhaca ah ay muujinayaan in wadaha baabuurka Mercedes Benz-ka uu ku guul dareystay inuu isticmaalo dhanka waddada ee habboon taasoo baska ku qasabtay inuu waddada ka baxo.
20 qof oo rakaab ah oo ay ka mid yihiin labo carruur oo ay soo gaareen dhaawacyo culus ayaa la geeyay isbitaalka deegaanka Samburu ee ismaamulka Kwale.
Meydadka labada qof oo shilka ku dhintay ayaa la dhigay qaybta meydadka ee isbitaalka degmada Kinango.
Adeegga qaran ee booliiska ayaa gaadiidleyda ku boorriyay inay u hoggaansamaan xeerarka waaxda taraafikada si looga baaqsado dhacdooyinka shilalka.
Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka ee Kenya Red Cross ayaa dhankeeda u mahadcelisay shakhsiyaad samafalayaal ah iyo howlwadeennada gaadiidka gurmadka degdegga oo arrintan ka qayb qaatay.
Hay’adda ayaa intaasi ku dartay inay xarunta isbitaalka degmada Samburu ee Kwale ku diyaarisay qayb gaar ah oo loogu talagalay in ay caawimaad iyo talasiin maskaxeed ka helaan dadka ay saameynta ka soo gaartay shilka iyo ehelladooda.