Dadaab:Wiil dhallinyaro ah oo biyo ku geeriyooday

0
502

Waxaa lagu soo warramayaa inuu biyo ku geeriyooday mid ka mid ah dhallinyarada deegaanka Dadaab.
Dhacdadan ayaa laga soo tabiyay tuulada Maleyleey oo ka tirsan deegaanka hoose ee Dhamaajaaley ee Dadaab.
Alle ha u naxariistee , wiilka biyaha ku dhintay ayaa lagu magacaabi jiray Suleimaan Aadan Ibraahim oo 19 sano jir ahaa.
Tani ayaa timid ka dib markii uu wiilka ku dhacay baldoos wayn oo laga dhex qoday lagta Lagdheera .
Sida la sheegay, wiilka dhintay ayaa markii hore halkaasi u tagay inuu ku dabaasho ka hor inta uunan quusin ama biyaha ku dhicin.
In kastoo uu wiilka biyaha ku dhacay abaare 11-kii barqanimo ee shalay haddana waxaa saacado qaadatay raadinta meydkiisa oo la helay galinkii dambe ee shalay.
Meydka wiilkan ayaa saaka lagu aasay tuulada Maleyleey.
Ma ahaa markii ugu horreysay oo deegaankaasi ay dhallinyaro biyo ku dhintaan.
Wakiil wareedka warbaahinta Star ee Dadaab Maxamad Baaruud Xuseen oo warbixintan soo diray ayaa ku warramaya in sanad kasta ugu yaraan hal dhimasho oo noocani la soo tabiyo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in baldoosyada qandaraasyada lagu qaato aad hoos loogu qodo oo aan loo yeelin xeyndaab waxaana marar badan ku dhintay dad iyo duunyo.
Dadka shacabka ee deegaanka ayaa marar badan codsaday in dhibaatadan wax laga qabto iyagoo dhaliil u jeediyay qandaraasleyda oo ay ku eedeynayaan in aynan dadweynaha ku nool tuulada Maleyleey kala tashan habka loo qodaya goobaha biyaha.