DCI oo beenisay in la raadinaya gabadha wasiiradda deegaanka ee dalka

0
183

Waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da ayaa beenisay qoraal lagu faafiyay baraha bulshada .
Qoraalka ayaa waxaa lagu sheegay in waaxdu ay baaritaan ku sameynaysa dhacdo lagu waayay gabadh 17 sano jir ah oo ay dhashay wasiiradda wasaaradda deegaanka , la tacaalidda isbeddelka cimillada iyo keymaha dalka Soipan Tuya.
Qoraalka la soo dhigay baraha bulshada ayaa waxaa ku cad in gabadhan la waayay galinkii dambe ee Isniinta balse DCI ayaa warkaasi ku tilmaantay mid faalis ah oo bulshada lagu marin habaabinaya.