Xisbiga ODM ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in ku xigeenka hoggaamiyaha xisbigaasi ahna barasaaabka ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya uu qarka u saaran yahay inuu ka tago xisbigaasi si uu ugu biiro siyaasadda ka dhanka ah gaari gacanka ah ee u hoggaamiyo ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto.
Xisbiga ODM ayaa qiray in Mr Oparanya uu kulamo kooban la qaatay madaxweyne ku xigeenka.
Qoraal uu soo saaray agaasimaha isgaarsiinta xisbiga ODM Philip Etale, ayuu ku sheegay in Mr. Oparanya uu si kastaba ha ahaatee uga warbixiyay hoggaamiyaha xisbiga Raila Odinga dhammaan waxyaabihii ay kawada hadleen isaga iyo William Ruto.
Xisbiga ODM ayaa si cad u sheego in ku xigeenka hogaamiyaha xisbigaasi Wycliffe Ambetsa Oparanya ahna barasaabka ismaamulka Kakamega uu yahay xubin daacad ah oo ka tirsan xisbiga isla markaana si hagar la’aan ah u taageersanyahay hoggaamiyaha ODM Raila Amolo Odinga.
Tani ayaa ku soo aadeysa maalmo uun ka dib markii wareysi gaar ah oo telefishiinka maxaliga ee Citizen siisay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto kaas oo uu ku sheegay inuu la kulmay barasaabka ismaamulka Kakamega Wycliffe Oparanya in kabadan 5 jeer si ay uga wada hadlaan siyaasadda.
Waxaa uu intaasi raaciyay in isaga iyo Oparanya ay diiradda saareen siyaasadda ku saleysan taageeridda danyarta.
Labo toddobaad ka hor ayuu madaxweyne ku xigeenka dalka la kulmay 17 kale oo ka mid ah barasaabyada ismaamullada dalka waxayna isla soo hadal qaadeen mustaqbalka siyaasadeed ee wadanka.
Waxaa uu sheegay in ay jiraan madax kale oo qabo hami siyaasadeed kuwaasoo si khaas ah ay u kulmaan maadaama sida uu hadalka u dhigay ay ka cabsanayaan in baaritaano dabagal ah lagu sameeyo.
Home Wararka Kenya Xisbiga ODM oo meesha ka saaray wararka sheegaya in barasaabka ismaamulka Kakamega...