Taliska Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen dad lagu tuhmayo dilkii xalay loo geystay Xaafada Sarkuusta Guddoomiyihii Maamulka degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.
War kasoo baxay Booliska Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in aysan weli cadeyn qaabka uu u dhacay dilka Gudoomiyaha, balse ay hayaan eedeysanayaal la rumeysanyahay in ay ku lug lahaayeen falkaas.
Warar soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayaan in dilka Guddoomiyihii degmada Xamar jajab loo adeegsaday Baangad madaxa looga dhuftay markii uu dhaawacmayna la gowracay.
Home Wararka Soomaaliya Booliska oo sheegay in dad loo qabtay dilka guddoomiyihii degmada Xamar Jajab