Axmad Madoobe oo xilkii ka qaaday taliyeyaal halka kuwa kalena u magacaabay

0
494

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmad Maxamed Islaam ayaa isbadal ku sameeyay Taliyayaasha kala duwan ee Hay’adaha amniga Maamulka Jubaland.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa xilkii looga qaaday Taliyihii Hay’adda Nabadsugida Jubbaland, waxaana xilkaas loo Magacaabay Maxamed Axmed Sabriye oo horay u ahaa Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Jubbaland.
Sidoo kale waxaa xilkii laga qaaday Talihii Ciidamada Booliska Jubbaland iyo kuxigeenkiisa, iyada oo Taliyaja Booliska Jubbaland loo Magacaabay Sareeyo Guuto Maxamad Cabdi Sheekh halka kuxigeenkiisa loo Magacaabay Gaashaanle Sare Maxamed Guuleed Xasan.
Hoos Ka akhriso wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Jubbaland.