KCB Foundation oo xulanaysa ardayda ay siinaysa deeqda waxbarasho ee dugsiga sare

0
272

Hay’adda bangiga KCB u qaabilsan dhanka tabarucaadda iyo taageeridda bulshada ee KCB Foundation ayaa billowday inay xulato ardayda ku biiraya fasalka 1-aad ee dugsiyada sare sanadka 2024-ta ee ay siinaysa deeq waxbarasho.
Ardaydan oo laga soo xulanaya guud ahaan wadanka ayaa gaaraya 1,000 waxaana laga bixinaya qarashaadka tacliinta ee dugsiga sare.
Wareysiyada arrinkan ku aaddan ayaa la sameeyay Jimcihii iyo Sabtidii
Bayaan ka soo baxay KCB Foundation oo lala wadaagay warbaahinta Star ayaa lagu sheegay in ardayda la soo xushay la wargelin doono 10-ka bisha koowaad ee sanadka soo socdo.
Barnaamijkan ayaa lagu bartilmaameedsanaya ardayda ka soo jeedo qoysaska danyarta ah oo lagu xiraya shuruudo kale.
100 ka mid ah deeqahan ayaa loogu talagalay kooxaha la gacan bidixeeyay iyo dadka qabo baahiyaha gaarka ah.
Agaasimaha hay’adda KCB Foundation Mendi Njonjo ayaa sheegay in sanadkii 17-aad ay bixinayaan deeqdan waxbarasho