DHAGEYSO:Qaar ka mid ah shacabka Wajeer oo ka horyimid kiis ee maxkamadda hoose ee Garissa daaqadda ka tuurtay

0
925

Ka dib markii maxkamadda hoose ee ismaamulka Garissa ay daaqadda ka tuurtay kiis ka dhan ahaa guddoomiye ku xigenka tuulada Arbaqeyranso ee dowlad deegaankaasi kaasi oo lagu soo eedeeyay in uu faraxumeeyay gabar ardayad ah ayaa waxaa arrinkan ka hor yimid qaar ka mid ah bulshada rayidka ee dowlad deegaanka Wajeer
Waxaa ay baaq u soo jeediyeen agaasimaha waaxda dacwad soo oogidda dalka Nuurdin Xaaji in uu dabagal ku sameeyo kiiskaasi.
Waxaa sanadihii ugu dambeeyay ismaamulka Wajeer aad ugu soo badanayay kiisaska ka dhanka faraxumeynta gabdhaha da’yarta ah iyadoo dad badan loo maxkamadeynayo halka qaar loo xukumay