Shirkadda ganacsiga ee Carrefour oo la ganaaxay

0
385

Maamulka qaabilsan xaqiijinta in tartamada ganacsiga ay noqdaan kuwo cadaalad ku saleysan ee (CAK) ayaa gaanax lacageed saaray shirkadda Carrefour.
Shirkaddan oo laga leeyahay Faransiiska ayaa xarumo kala duwan ku leh magaalada Nairobi.
Waxaa la dul dhigay ganaax lacageed oo gaaraya 1.1 bilyan oo shilin ka dib markii lagu eedeyay inay ku xadgudubtay awoodaha gorgortanka.
Maamulka ayaa bayaan ku sheegay in shirkaddu ay ku xadgudubtay awoodaheeda wax iibsiga gaar ahaan qaabka ay ula macaamishay Pwani Oil Products Limited iyo Woodlands Company Limited oo badeecooyin u qaybiya.