Madaxweynaha dalka oo ka hadlay xoojinta dowlad wadaajinta

0
145

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay inuu sii xoojiyo xiriirka kala dhexeya ismaamullada wadanka.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay inuu dowlad deegaannada ku taageeray wanaajinta adeegyada shacabka.
William Ruto ayaa xusay in dowladda dhexe iyo 47-da ismaamul oo uu xiriir wanaagsan ka dhexeya ay dardargelinaysa in horumar dhaqan-dhaqaale laga sameeyo deegaannada hoose tani oo sii ballaarinaysa qorshaha wax looga beddelaya dhaqaalaha dalka iyadoo laga soo billaabaya meelaha ugu hooseeya.
Arrintan ayuu ka sheegay madaxtooyada dalka ee State House ee magaalada Nairobi oo lagu qabtay shirkii 10-aad ee u dhexeeyay dowladda sare iyo ismaamullada.
Waxaa kulankaasi ka qayb galay madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua, madaxa wasiirrada Musalia Mudavadi, barasaabyada 47-da dowlad deegaan , wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in ismaamullada oo xilliga habboon lagu wareejiyo lacagaha ay siiso dowladda sare inay muhiim u tahay inay ka soo baxaan shaqooyinkooda dastuuriga ah.
Waxaa uu tilmaamay in markii ugu horreysay tan iyo xilligii la billaabay dowlad wadaajinta, in wasaaradda maaliyadda ay dhammaadkii sanad maaliyadeedkii 2022/2023, ismaamullada ku wareejisay dhammaan lacagihii loo qoondeeyay.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaasi ku daray in dowladdu ay sii xoojinaysa wada tashiyada iyo iskaashiga kala dhexeya ismaamullada si haddii uu khilaaf jiro isla markiiba loo xalliyo.
Labada heer ee dowladda ayaa ka wada shaqeynaya qorshaha lagu hirgelinaya goobaha warshadeynta ee ismaamullada si sare loogu qaado wax soo saarka oo loo wanaajiyo tayada badeecooyinka.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in dowladda dhexe ay sanad maaliyadeedka 2023/2024-ta , mid waliba oo ka mid ah 29 dowlad deegaan ay siin doonto lacag dhan 250 milyan oo shilin.
Waxaa uu xusay in guud ahaan wadanka laga dhisi doono suuqyo gaaraya 500.
Iskaashiga ka dhexeya labada heer ee dowladda ayuu sheegay inuu suurtageliyay barnaamijka caafimaadka guud ee UHC.
Madaxweynaha ayaa ismaamullada uga mahadceliyay doorka ay ka qaateen in beeralayda ay helaan bacrimin uu qiimaheedu hooseeyo.
Sidoo kale waxaa uu dowlad deegaannada ku bogaadiyay sida ay dowladda sare garab ugu siinayaan mashruuca guriyeynta .
William Ruto ayaa sheegay in hadafka ah in la dhiso 200,000 oo guriyo ah sanad kasta uu u socdo sidii loogu talagalay.
Waxaa uu ku celceliyay in dowladda dhexe ay ismaamullada garab ku siinaysa la tacaalidda saameynta ka dhalatay roobabka culus ee El-Nino.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ,Mr.Rigathi Gachagua ayaa dhankiisa sheegay in labada heer ee dowladda ay sii wadi doonaan ka shaqeynta danaha kenyaanka.
Guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada dalka ee CoG ahna guddoomiyaha ismaamulka Kirinyaga , Anne Waiguru ayaa dhankeeda sheegtay in wada shaqeynta ka dhexeysa dowladda dhexe iyo ismaamullada ay sare u qaadi doonto xasilloonida dhaqaale ee dalka iyo maamul wanaagga.