Axmed Madoobe “Farmaajo Waxaa U Muuqda Kursiga Kaliya God Madow Ayuu Dalka Ku Wadaa”
Madaxweynaha maamulka goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland Axmad Maxamad Islaam (Axmad Madoobe) ayaa ka hadlay muddo kordhintii Xildhibaanada Golaha Shacabka ay u sameeyeen hay’addaha dowladda Federaalka iyo Madaxweynaha wakhtiga ka dhammaaday ee Soomaaliya Maxamad Cabdullaahi Farmaajo.
Madaxweyne Axmad Mdoobe ayaa sheegay in uusan jirin sharci Xildhibaannada wakhtigoodu dhammaaday u ogolaanaya inay muddo kordhin laba sanno ah u sameeyaan hay’addaha dowladda, uuna go’aankaas yahay mid sharci darro ah.
Waxaa uu sheegay in xilligii la ansixinayay heshiiskii 17-kii Sateembar ee sanadkii hore lagu gaaray Muqdisho ay si wadajir ah u ansixieen Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka, wuuxuna sheegay in Golaha Shacabka uusan awood u laheyn inuu Go’aan ka gaaro dalka.
Axmad Madoobe ayaa Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Farmaajo ku eedeeyay in dalka Soomaaliya uu kusii ridayo God madow, ayna tahay in la iska qabto, hayeeshee haddii arrintaas ay dhici weydo uu dib u noqonayo dalka.
”Madaxweynaha xiligiisu dhammaaday haddii aan maanta la iska qaban wadankaan dib ayuu noqonayaa meel kale ayuu tagayaa, maanta waxaad ogtihiin in reer Muqdisho ay cabsi ku jiraan”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland oo ka hadlaayay Munaasabad xalay lagu qabtay Magaalada Kismaayo.
Sidoo kale Mdaxweyne Axmad Madoobe ayaa sheegay in dadka kuool Caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho ay haystaan dhibaatooyin badan oo ay ku jiraan cabsi badan, isagoona uga mahadceliyay shacabka dul-qaadka ay muujinayaan, iyagoona og wixii lasoo maray.
Ugu dambeyn Madaxweynaha Jubbaland ayaa Carabka ku dhuftay in Farmaajo uusan rabin in dalka ay ka dhacdo doorasho xor, wuxuuna sheegay in Madaxweynaha uu u muuqdo oo kaliya kursiga uu ku fadhiyo oo markii hore ku yimid doorasho xor ah.