Saciid Deni oo maanta hortaggi doona baarlamaanka Puntland

0
581

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta lagu wadaa inuu hortaggo Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaas oo kulan ku yeelanaya Magaalada Garoowe.
Madaxweyne Saciid Deni ayaa Xildhibaanada Puntland u jeedin doona khudbad uu uga hadli doono Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka Soomaaliya iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa.
Sidoo kale Deni ayaa khudbadiisa uga hadli doono safarkii uu ku yimid Caasimadda dalkaasi ee Muqdisho iyo fashilka Shirkii Madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ee Teendhada Afisyooni.
Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi ayaa waxaa xalay loo diray farriimo ku aadan in Maanta oo Sabti ah uu jiro kulanka Golaha, islamarkaana looga baahan yahay inay kasoo qeyb galkaas kulanka oo hortaggayo Deni.
Madaxweyneyaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa Magaalada Muqdisho ka tegay, iyada oo Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada aysan wax heshiis ka gaarin khilaaafka ka taagan qabsoomida doorashooyinka ka dhacaya dalka Soomaaliya.