MD Farmaajo iyo wakiillada beesha caalamka oo Teendhada Afisiyooni shir uga furmay

0
650

Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa goordhow gaaray Xerada Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha oo halkaasi ku tegay si deg deg ah ayaa Wararka la helay waxaa ay sheegayaan in uu la kulmayo Wakiillada Beesha Caalamka ee fariisinka ku leh Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa waxaa ay uga hadli doonaan xaaladda dalkaasi iyo dooda ka taagan muddo kororsiga ay Golaha Shacabka sameeyeen, kaas oo Beesha Caalamka ay kasoo horjeesatay.
Madaxweynaha uu wakhtiga ka dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saaka si deg deg ah ku maray qaybo kamid ah wadada Maka Almukarama oo aan looga baran xilliyada uu tegayo Teendhada Afisiyooni ama garoonka Aadan-Cadde in uu maro.
Wixii kasoo kordha kala soco www. starfm.co.ke