DHAGEYSO:Wasiirka amniga Soomaaliya oo sheegay in dowladda qorshaha ugu jirin inay weerarto Saadaq Joon

0
603

Wasiirka Amniga ee xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya Xasan Xunudubey Jimcaale oo xalay warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dowladda aysan qorshaha ugu jirin inay weerarto Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon) oo dhawaan uu Farmaajo sheegay inuu garaadihii ka xayuubiyey.
Wasiirka ayaa beeniyey wararka sheegaya in dowladdu damacsan tahay ina xaafadda Shiirkole ku weerarto sarkaalkaas, balse waxaa la ogaa in xalay iyo habeenkii Arbacada guluf colaadeed laga dareemayey xaafadda Shiirkole, ka dib markii ay dowladdu ciidamo soo dhoobtay wadada 30-ka.

Waxaa uu sido kale wasiirka sheegay inay jiraan dad mas’uuliyiin ah oo xilal kala duwan horaan Soomaaliya ka soo qabtay ay kala qaybin ka wadaan ciidanka Somaaliyeed waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa xalay aad u kacsaneed xaaladda xaafadda Shiirkole, iyadoo ay halkaas gaareen xildhibaano iyo odayaal dhaqan oo Jeneraal Saadaq Joon ku heyb ah, sidoo kale waxaa ka dhacay banaanbax ay dhigtay bulshada xaafadaas oo ku qeylineysay “Farmaajo dooni meyno” waxayna odayaashii iyo xildhibaanadii xalay halkas warbaahinta kula hadlay sheegeen inay iska difaacayaan hadii weerar uga yimaado ciidamo ay sheegeen in madaxweyne Farmaajo u soo diray.
Xildhibaanada xalay tegay Shiirkole e eku hoyday waxaa ka mid ahaa Mahad Maxamad Salaad, Cabdiraxmaan Odawaa, Saabir Nuur Shuuriye iyo odayaal dhaqan.