Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray dhisidda marinka tareennada ee isku xiraya Riruta, Karen, Bulbul iyo Ngong.
Marinkan ayuu dheerarkiisu yahay 12.5 kiilomitir.
Hoggaamiyaha dalka ayaa sheegay in ujeeddada laga leeyahay mashruucan ay tahay in la fududeeyo howlaha gaadiidka ee ismaamullada Kajiado iyo Nairobi.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in shirkadda khadkan dhisaysa ay sheegtay inay mashruucan ku dhameystiri doono muddo 12 bilood ah.
Hasa ahaate waxaa uu xusay inuu u qabtay 8 bilood si loo soo gabagabeeyo.
William Ruto ayaa dhanka kale amray in iyadoo uu socdo dhismaha khadkan in la diyaariyo tareennada si marka barnaamijkan la dhameeyo ay isla markiiba dadweynaha tareenno ugu kala gooshaan ismaamullada dariska ah ee Kajiado iyo Nairobi.
Sidoo kale madaxweyne William Ruto ayaa xusay in dowladda Maraykanka ay Kenya ugu deeqday ilaa 9 bilyan oo loo adeegsanaya howlaha gaadiidka ee caasimadda dalka.