Barasaabka Nyeri oo ku baaqay in shaqada laga joojiyo wasiirka tamarta

0
178

Barasaabka ismaamulka Nyeri Mutahi Kahiga ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu tallaabo ka qaado wasiirrada uu waxqabadkoodu hooseeyo.
Waxaa uu sheegay in tani ay wax u dhimaysa bixinta adeegyada shacabka.
Kahiga ayaa tusaale u soo qaatay koronto la’aanta ku soo noqnoqotay dalka isagoo xusay in wasiirrada la doonayo inay xafiiska banneeyaan uu ka mid yahay wasiirka tamarta Davis Chirchir.