Ugu yaraan siddeed qof ayaa lagu dilay toogasho ka dhacday xarunta FedEx ee magaalada Indianapolis ee dalka Mareykanka
Sida ay boolisku sheegeen waxaa arrinkan ka dambeeyay nin hubaysana oo la rumeysan yahay in markii dambe uu isna is dilay .
Afhayeenka booliska ee magaalada Indianapolis Genae Cook ayaa sheegay in dad badan oo kale uu dhaawac soo garaay ka dib markii rasaas ka dhacday xarunta FedEx oo ku dhow garoonka caalamiga ah ee Indianapolis.
Afhayeenka ayaa sheegay in ugu yaraan afar qof la dhigay isbitaalka, oo uu ku jiro hal qof oo qabo dhaawacyo halis ah halka labo ka mid ahna la daweeyaay oo la fasaxay.
Shakhsiga toogashada geystay ayaan isla markiiba si rasmi ah loo aqoonsan waxaayna baarayaashu wadaan wareysiyo iyo xog uruurin.
Afhayeenka booliska ,Genae Cook ayaa sheegay in aan lagu degdegi karin in qofka toogashada geystay uu ka mid ahaa shaqaalaha xarunta ay toogashada ka dhacday.