DHAGEYSO:Hormuud Foundatiom oo cawimaad gaarsiisay dadka dhimirka ka Xanuunsan

0
573

Hormuud salaama foundation oo ah Hay’ad ka shaqaysa Caawinta dadka danyarta ee ku nool dalka Soomaaliya ayaa deeq Raashin Ah Gaarsiisay Isbitllka dhimirka Dr Xabeeb ee Magaalada Muqdisho.
Dr XabeeB oo Warbaahinta la hadlay ayaa u mahadceliyay sida ay Hormuud Salaam Foundation garab istaaga ugu muujisay dadka Soomaaliyeed ee Dhimirka ka xanuunsan.

Agaasimaha Arrimaha binu’aadanimada ee Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maryan Aadan Aamiin ayaa dhankeeda u mahadcelisay shirkadda Hurmuud Foundation ee Caawinaysa dadka Tabalaysan sida kuwa dhimirka ka Xanuunsan Agoomaha iyo danyar kale.
Sidoo kale guddoomiyaha Hormuud Salaama Foundation C/laahi Nuur Cismaan ayaa warbaahinta la hadlay.