Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Generaal Odowaa Yuusuf Raage ayaa ka qeyb-galay Kulan labo maalmood soconayay oo lagu qiimeynayay guulaha laga gaaray howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab gaar ahaan guulaha ciiidamada xoogga ay ka gaareen howl-galadii ugu dmabeeyay ka dhacay qeybo badan oo ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya.
Kulan waxaa goob joog ka ahaa hogaanka saraakiisha ciidamada howl-galka midowga Africa ee Amison iyo wakiilka midowga Africa uqaabilsan Howl-galka Ciidamada Amison ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira saraakiil ka socotay xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, xubno ka sacday UK Mission iyo qaar ka mid ah saaxiibada kale ee Soomaaliya ka caawiyo arimaha Amniga iyo la dagaalanka argagixisada.
Ujeedada ugu weyn ee Kulankaan ayaa ahady in ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ay si toos ah ula Wareegeen istiraatiijiyada dagaal ee ka dhanka ah Al-shabaab iyo qorsheyaasha looga Saarayo deegaanada ay wali Gacanta ku hayaan.
Talaabadaan ay Maanta Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya kula Wareegeen istiraatiijiyadaha howlgalada laga fulinaya deegaanada ay shabaab wali maamulaan ayaa qayb ka ah Qorsha la doonaya in si guud Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya loogu Wareejiyo Amaanka dalkooada.
Waxaana Gabagabii lagu soo bandhigay qorshe mideysan oo ka dham ah kooxaha argagxisada loogu yeero kaasoo ay si wadajir ah u fulinayaan Ciidamada AMISOM iyo Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Odowaa Yuusuf Raage ayaa ku boriyay waxyaabaha kasoo baxay shirkaan inay noqdaan kuwa laga miro dhaliyo oo aysan qoraal ku koobneyn si ay Al-Shabaab deegaanada au waali gacanta ku heyso looga saaro.
Dhankooda hogaanka ciidamada AMISOM ayaa soo dhaweeyay Qorshahaan waxayna sheegeen inay xoojinayaan howl-galada ka dhanka ah Al-Shabaab oo qeyb-ka ah waxyaabaha loo ekmday AMISOM-ta Soomaaliya ku sugan.
Home Wararka Soomaaliya Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo lagu wareejiyay qorshaha howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab