Waxaa toddobaadkii saddexaad guriyahooda ka maqan qaar ka mid ah qoysaskii ku barakacay daadadka saameeyay xerada qaxootiga ee IFO ee deegaanka Dadaab.
Qoysaskan oo hooy ka dhigtay mid ka mid ah dugsiyada xerada IFO ayaa sababta aynan weli ugu laaban guriyahooda ku sheegay inay ka dumeen guriyaha iyo musqullada.
Qaar ka mid ah dadkan oo u warramay Maxamad Baaruud Xuseen ayaa codsaday in musqullo loo dhiso.