Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay India ka heshay deeq lacageed oo dhan 250 milyan oo doolar.
Dhaqaalahan ayaa lagu maalgelin doonaa arrimo ay ka mid yihiin wax soo saarka beeraha iyo daawooyinka.
Tani ayaa timid ka dib wada hadallo ay yeesheen madaxweynaha dalka William Ruto iyo Ra’iisul Wasaaraha India Narendra Modi.
Ruto ayaa Modi uga mahadceliyay taageeradan wuxuuna u xaqiijiyay in dowladda Kenya ay si degdeg ah u guda geli doonto barnaamijyo ay labada dhinac ku heshiiyeen.
Waxaa uu intaasi ku daray in lacagta ay dowladda India ugu deeqday Kenya ay door wayn ka qaadan doonto arrimaha caafimaadka iyo la tacaalidda cunno yarida iyadoo lagu dadaalaya in la yareeyo qiimaha sarreya ee maciishadda.
Labada dowladood ayaa sidoo kale wada saxiixday shan heshiis oo ay ku xoojinayaan iskaashiga ka dhexeya.
Heshiisyada ayaa taabanaya caafimaadka , tamarta, ICT-da, suuqgeynta afakaadhaha iyo ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe.