Gaadiidleyda gudbiya qaadka oo laga doonayo inay dhamaadka bishan haystaan shati

0
464

Maamulka beeraha iyo cunnada ee dalka ee AFA ayaa gaadiidleyda qaada jaadka u qabtay ilaa 31-da bishan Diseembar si ay u heelaan shati rasmi ah oo ay ku shaqeyn karaan.
Waxaa bayaanka ku cad in darawaliintan laga doonayo inay maamulkan iska diiwaangeliyaan ka hor inta aan oggolaansho ganacsi la siin.
Tani ayaa looga gol-leeyahay in wadayaashan ay u hoggaansamaan xeerar la soo saaray bishii Afaraad ee sanadkan.