Xisbiga ODM oo maxkamadda dacwad u gudbiyay

0
230

Xisbiga mucaaradka ee ODM ayaa maxkamadda geeyay dacwad uu ku doonaya in wasaaradda maaliyadda ee dalka lagu qasbo inay lacago u qoondeyso xisbiyada siyaasadeed.
Waxaa ODM dacwaddan ku matalaya qareen lagu magacaabo Awele Jackson.
Qareenka ayaa sheegay in xisbiga ay ku adkaatay inuu guto waajibaadkiisa siyaasadeed dhaqaale yari awgeed.
ODM ayaa ku doodaysa in aan la siin ugu yaraan 1.2 bilyan oo shilin.