Waxaa lagu soo warramayaa in haweeney canug ay dhashay oo 8 bilood jir ah ku tuurtay badweynta Indian Ocean gaar ahaan marinka Likoni ee ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta ee Kenya.
Booliiska ayaa laga soo xigtay in haweenaydan la rumaysan yahay inay maqalka naafo ka tahay taasi oo ilmaha yar ee muluq ah ku dhex tuurtay biyaha.
Waxaa dhanka kale ilmaha yar soo badbaadiyay samatabbixiyaal ku xeeldheer dabaasha.
Ilmaha yar ee laga soo badbaadiyay biyaha ayaa lagu soo warramaya in xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay ka dib markii lagu daweeyay isbitaalka guud ee magaalada Mombasa.
Booliiska ayaa haatan gacanta ku haya hooyada dhashay ilmaha yar, iyadoo wax laga weydinaya sababta arrintan ku kaliftay.