DHAGEYSO:Tirada dadka ku dhintay daadadka oo sii korortay

0
205

Afhayeenka dowladda dhexe ee dalka Issac Mwaura ayaa sheegay in ilaa iyo hadda 142 qof ay ku dhinteen fatahaadaha ku dhuftay qaar ka mid ah ismaamullada wadanka.
Tiradan ayaa sii korortay ka dib markii 24-kii saacadood ee ugu dambeeyay la soo tabiyay inay dhinteen 6 qof oo dheeraad ah.
Mwaura ayaa sheegay in dadkan ay ku nafwaayeen dowlad deegaannada Tana River, Taita Taveta, Machakos iyo Kisumu.
Waxaa uu sidoo kale xusay in Turkana lagu daray liiska ismaamullada heegan sare ku jiro maadaama ay sii kordheen daadadka.
Issac Mwaura ayaa laga soo xigtay in la sameeyay shan xero oo dheeraad ah si ay hooy ugu noqdaan barakacayaasha.
Dhanka kale 17 ka mid ah ismaamullada ay daadadku saameeyeen ayaa lagu wadaa inay ka faa’iidaystaan agabka looga hor tago ama lagula tacaalo cudurka daacuunka.
Agabkan oo ay ku deeqday Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa waxaa qaybin doonto waaxda caafimaadka dadweynaha ee dalka.
Agabkan oo laga soo qaaday xarunta WHO ee gobolka ayaa lagu wareejiyay Hay’adda Laanqayrta Cas ee dalka.
Bayaanka afhayeenka dowladda dhexe waxaa ku cad in saadaasha ay tilmaamaysa in ilaa 7-da bishan Diseembar la rajeynaya inay sii kordhaan roobabka ka da’aya Koonfurta wadanka oo ay yaraadaan roobabka dhanka Waqooyiga.
Xerooyinka qaxootiga ee Dadaab ee ismaamulka Garissa waxaa ilaa iyo hadda ku barakacay 6,000 oo qof sida ay dowladda dhexe ee dalka sheegtay.
Dhanka xerada qaxootiga ee Kakuma , tirada dadka ku barakacay daadadka ayaa ah 352 ruux.
Sidoo kale afhayeenka dowladda dhexe ee dalka Issac Mwaura ayaa sheegay in la hagaajiyay oo ay hadda shaqeynaysa waddada u dhexeysa Mwingi-Madogo ilaa Garissa oo ku go’aday daadadka.
Wasaaradda gaadiidka ayaa ku howlan dayactirka kaabayaasha ay waxyeelladu ka soo gaartay fatahaadda gaar ahaan meelaha ay yaraadeen biyaha daadka.
Sidoo kale qoysaska ku barakacay daadadka ayaa gargaar lagu gaarsiinaya 24 ka mid ah baabuurta xamuulka oo ay leeyihiin ciidamada difaaca dalka ee KDF-ta iyo adeegga qaran ee dhallinyarada ee NYS.
Meelaha ay waddooyinka xiran yihiin ee aan la geli karin waxaa cuntooyin iyo waxyaabaha kale ee aasaasiga u ah qoysaska lagu geynaya diyaaradaha militariga dalka.
Xoghayaha Joogtada ah ee wasaaradda arrimaha gudaha iyo maamulka qaran Dr. Raymond Omollo ayaa dhankiisa sheegay in ismaamulka Isiolo berri laga qaybin doono maro kaneecooyin.
Waxaa uu intaasi ku daray in la maareynaya kiisaska cudurka shuban biyoodka ee laga soo tabiyay ismaamullada Lamu, Garissa, Kwale, Mandera iyo Wajeer.
Sidoo kale waxaa cudurro haleelay u dhintay 2493 isugu jiro 72 digaag ah, 12 neef oo lo’ ah , 1680 riya ah , 728 ida ah iyo hal neef oo geel ah.
Dhanka kale, in ka badan 20 qoys oo ku nool deegaanka Mauthini ee ismaamulka Tharaka Nithi ayaa hooy la’aan noqday ka dib markii guryahoodii ay ka buuxsameen biyaha daadadka.
Ma jiraan wax dhimasho ama dhaawac ah oo la soo sheegay.
Qoysaskan ayaa dowladda ka codsaday in ay u soo gurmato si ay u helaan hooy iyo cunto.