Wasiirka arrimaha gudaha iyo maamulka qaranka Kipchumba Murkomen ayaa meesha ka saaray cabsida laga qabo in ay sare u kacaan weerarada Al-Shabaab, isagoo sheegay in la xoojiyay istaraatiijiyada dowladda ee lagula dagaalamayo argagixisada ee xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Soomaaliya.
Wuxuu xusay in inkasta oo saddex askari oo booliis ah ay ku dhaawacmeen qarax miino maalintii Khamiista ah ka dhacay deegaanka Dadaab ayuu carrabka ku dhuftay in lagu guulaystay hawlgalada ka dhanka ah Al Shabaab halkaasina lagu dilay hal mid kalena oo ka tirsan kooxdaas gacanta lagu soo dhigay.
Sido kale waxaa uu sheegay in laamaha ammaanka ay gacanta ku soo dhigeen qalabkii ay wateen oo ay ku jiraan qoryo iyo rasaas.
Isagoo ka hadlayay ismaamulka Embu, wasiirka amniga waxaa uu bogaadiyay wadashaqeynta wax ku oolka ah ee ka dhaxeysa bulshada, Saraakiisha Maamulka Qaranka (NGAOs), iyo Adeegga Booliska Qaranka (NPS) ee ogaanshaha iyo ka hortagga weerarada qorsheysan.
Markii uu soo gaba gabeeyay socdaalkii saddexda maalmood qaatay ee uu ku marayay ismaamulka Embu, Waxa uu bogaadiyay dadaalka ay saraakiishu ugu jiraan ilaalinta amniga dalka.