Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa magaalada Dubai ee wadanka isu tagga Imaaraadka Carabta ee UAE-da oo uu uga qayb galaya shirka arrimaha cimillada ee COP28 ka sheegay in aan loo baahnayn in taageerada horumarineed ee la siinaya waddamada caalamka shardi looga dhigo sida uu dalkaasi ula tacaalaya isbeddelka ku yimaado cimillada.
Hoggaamiyaha Kenya ayaa carrabka ku adkeeyay in waddamada ay wax ka qaban karaan isbeddelka cimillada iyagoo dhanka kale ka shaqeynaya arrimaha horumarka sidaasi awgeedna aynan habboonayn in lagu qasbo inay labadan qodob kala doorbidaan.
Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in aan la kala geyn karin kobcinta dhaqaalaha iyo wanaajinta deegaanka.
Madaxweynaha dalka ayaa xusay in beesha caalamka laga doonayo inay sare u qaado dadaalka ay ku bixinaysa horumarka iyo xallinta saameynta isbeddelka cimillada.
Ruto ayaa sheegay in baahiyaha horumarka ee qaaradda Afrika oo la iska indha tiro iyo dhallinyaradeeda oo aan la maal gelin ay tahay arrin aan sii socon karin.
Waxaa uu martida ka qayb galaysa shirka cimillada ee qaramada midoobay u sheegay in la joogo xilligii Afrika laga dhigi lahaa qaarad halbowle u ah tamarta la cusbooneysiin karo ee kheyraadka dabiiciga.
Tani ayuu sheegay inay muhiim u tahay yareynta wasaqeynta hawada isagoo intaasi ku daray in dunida aynan dayalsan karin fursadaha ka jiro Afrika.
Ruto ayaa sheegay in iyadoo caalamka uu wajahaya dhibaatada isbeddelka cimillada in arrin laga qoomamoodo ay tahay in weli loo kala qaybsan yahay Waqooyi iyo Koonfur.
Hoggaamiyaha dalka ayaa tilmaamay inay lagama maarmaan tahay in loo jiheysto sidii loo wada guulaysan lahaa.
Ruto ayaa xusay in aan loo baahnayn in dhibaatada cimillada loo arko halis durugsan.
Waxaa uu ku celceliyay in isbeddelka ku yimaada cimillada uu si aan kala sooc lahayn u saameeyo dalalka caalamka xita kuwa hodonka ah.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay daadadka hadda ka jiro bariga Afrika oo ay ka horreysay abaartii ugu darnayd muddo 40 sano ah.
Madaxweyne William Ruto ayaa sheegay in aan cudur daar la heli karin haddii shirweynaha COP28 aynan ka soo bixin tallaabooyin waara oo wax ku ool ah oo lagu xallinaya saameynta ka dhalata isbeddelka cimillada.
Ruto ayaa sheegay in awood loo leeyahay ,raasimaal loo hayo oo ay madaxda caalamka mas’uuliyad wadareed ka saaran tahay inay tallaabo qaadaan.
Madaxweynaha dalka ayaa markii dambe waxaa uu ka qayb galay dood ku saabsanayd in wax laga beddelo maalgelinta arrimaha cimillada.
Waxaa uu halkaasi ka soo jeediyay in loo baahan yahay in hannaanka maaliyadeed ee hadda jiro dib u eegis lagu sameeyo si uu u noqdo mid laga dheehan karo falcelin iyo hal-abuurnimo.
Home Wararka Kenya Ruto:Taageerada dal la siinaya yaan lagu xirin la tacaalidda isbeddelka cimillada