Wasiirka wasaaradda horumarinta iskaashatooyinka , ganacsiyada yaryar iyo kuwa dhexe ee dalka , Simoni Chelugui ayaa sheegay in tirada kenyaanka ee iska diiwaangeliyay sanduuqa ay dowladda dhexe ku bixiso amaahda ee Hustler Fund ay tahay 22 milyan oo qof.
Amaahda lacageed ee ilaa iyo hadda ay qaar ka mid ah kenyaanka gaar ahaan ganacsatada yaryar qaateen ayaa gaaraysa 38 bilyan oo shilin.
Wasiirka ayaa intaasi ku daray in cilmi baaris uu sameeyay bangiga dhexe ee dalka ee CBK lagu ogaaday in boqolkiiba 45 ee kenyaanka ay qaateen deynta Hustler Fund.
Waxaa uu xusay in kooxaha maalgashi ee la siiyay amaahdan ay yihiin 597,000.
Arrintan ayuu shaaca ka qaaday xilli maanta la xusayay sanadguuradii koowaad ee ka soo wareegatay markii si rasmi ah loo daahfuray sanduuqa amaahda ee Hustler Fund.