Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa dowladaha ismaamullada ku boorriyay inay ganacsatada yaryar ee muruq maalka ah fursad u siiyaan in ay ganacsadaan iyagoo aan la dhibaateyn.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dadka waratada ah aynan waxyeello u gaysan kenyaanka kale balse ay keliya ku dadaalaan inay soo saartaan qutul maalmeedkooda.
Gachagua ayaa sheegay in maamulka Kenya Kwanza uu xilligii doorashada guud taageero badan ka helay ganacsatada yaryar oo uu ballanqaaday inuu noloshooda horumarin doono.
Hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa ismaamullada kula taliyay inaynan maalqabeennada ka oggolaan in lagu xadgudbo ganacsatada muruq maalka ah.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ay dhawaan waratada ka mamnuucday inay ku ganacsadaan bartamaha caasimadda dalka.