DHAGEYSO:Ururka KNUT laantiisa Samburu oo ku hanjabay inay carqaladeyn doonaan howlaha waxbarashada ee ismaamulkaasi

0
191

Ururka macallimiinta dalka ee KNUT laantiisa ismaamulka Samburu ayaa ku hanjabay inay carqaladeyn doonaan furitaanka dugsiyada ee sanad-dugsiyeedka koowaad ee sanadka dambe ee 2024-ka.
Waxaa ay ururkan doonaya in la dejiyo istaraatiijiyad lagu xaqiijinayo badqabka macallimiinta wax ka dhiga dugsiyada ku yaalla dowlad deegaankaasi.
Ururkan ayaa intaasi ku daray in haddii aan xal la helin aysan xarumahooda waxbarasho tegi doonin marka dugsiyada dib la furo sanadka dambe.
Hanjabaaddan ayaa timid dhowr maalmood ka dib markii macallin wax ka dhiga dugsi hoose dhexe lagu dilay magaalada Baragoi ee dowlad deegaanka Samburu.