Guddiga adeegga garsoorka dalka oo maalinkii saddexaad turxaan bixin sameynaya

0
383

Xubnaha guddiga adeegga waaxda cadaaladda ee dalka JSC ayaa maalinkii saddexaad su’aalo weydiinaya shakhsiyaad doonaya in ay buuxiyaan jagadii madaxa cadaaladda Kenya ee uu baneeyay David Maraga.
Waxaa hadda su’aalo ka jawaabaysa garsoore Koome Martha Karambu oo ka mid ah dadka soo dirsaday codsiyada.
Turxaan bixinta ayaa ka socota xarunta maxkamadda ugu sarreysa wadanka ee Supreme Court ee magaalada Nairobi.
Haweeneydan oo la weydiiyay su’aal ah in hadii ay noqoto madaxa cadaaladda ee dalka sida ay u xallin doonto caqabadaha soo foodsaara ayaa sheegtay in ay adeegsan doonto khibradeeda iyo xirfadda dhanka maamulka ee ay leedahay.
Garsoore Koome ayaa ku biirtay liiska qareenada wadanka laga aqoonsan yahay sanadkii 1987.
Waxay leedahay 33 sano oo khibrad shaqo oo dhanka sharciga ah sida laga soo xigtay guddiga JSC.
Sanadkii 2012-kii ayay ka mid noqotay garsoorayaasha maxkamadda racfaanka dalka .
Waxay hadda ka howlgashaa Nairobi in kastoo ay horay uga soo shaqeysay laamaha maxkamadda ee Nyeri iyo Malindi.
Intii u dhexeysay sanadihii (2003 – 2011) waxay ka shaqeynaysay maxkamadda sare ee dalka .