Iyadoo maanta ku beegan tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa muslimiinta ku nool gudaha dalka sanadkii labaad ee bisha Soon raacayaan xeerarka adag ee ka dhanka ah cudurka Covid-19.
Khaadiga muslimiinta dalka ee uu fadhigiisu yahay ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta Sheekh Axmad Muhdhar ayaa ku boorriyay Muslimiinta inay si adag u ilaaliyaan tilmaamaha wasaaradda caafimaadka ee lagu xakameynayo cudurka sidaha Covid-19.
Waxaa uu sidoo kale ugu baaqay inay hoggaansamaan muslimiinta xeerarka caafimaadka ee la dejiyay sida nadaafada shakhsiyadeed, gacmo dhaqashada, xirashada maskarada afka iyo sanka iyo kala fogaanshaha bulshada si looga hortaggo faafida cudurka.
Waxaa uu intaa ku daray inay lamahuraan ay tahay in muslimiinta ay aqbalaan xaaladda taagan islamarkaana ay la jaanqaadaan xaqiiqooyinka isbeddellaya ee ka dhanka cudurka Covid-19.
Khaadiga dalka ayaa dadka ku tukanaya masaajidda ugu baaqay inay hubiyaan in salaadda taraawiixda la soo gabagabeeyo ka hor inta uusan bilaabin bandowga habeenkii ee afarta saac ee 42-da ismaamul.
Waxaa uu sidoo kale ku boorriyay muslimiinta ku nool 5-ta ismaamul ee goobaaha cibaadada ay xiranyihiin iyo bandowga xilli hore bilaabanaya inay ku tukadaan guryahooda.
Wuxuu ugu baaqay bulshada muslimiinta ah inay bisha barakeysan ee Ramadaan u adeegsadaan inay u duceeyaan dalka islamarkaana ay sii wadaan adkeysiga ay muujinayaan.
Dhanka kale dhowr masaajid oo ku yaala ismaamulka Mombasa ayaa dejiyay talaabooyinka looga hortaggayo faafida cudurka safmarka ee Coronavirus.
Sheekh Othman Naaman oo ka mid ah madaxda masjidka Luta ee magaalada Mombasa ayaa sheegay inay hubin doonaan in dhammaan baratakoollada caafimaad ee wasaaradda caafimaadka soo jeedisay ay si buuxda ugu hoggansami doonaan.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Xeebta John Elungata ayaa dhankiisa muslimiinta ugu hambalyeeyay bisha barakeysan ee Ramadaan islamarkaana u xaqiijiyey inay heli doonaan amaan ku filan inta lagu jiro bisha soon.
Mr Elungata ayaa sidoo kale ku boorriyay xubnaha bulshada muslimiinta inay si adag u ilaaliyaan baratakoolka ka dhanka ah Covid-19 sida bandowga habeenkii.
Home Wararka Kenya Muslimiinta dalka oo lagu boorriyay inay ilaaliyaan baratakoolka Covid-19 inta lagu gudajiro...