Bukaannada qabo COVID-19 ee imaaraadka oo laga mamnuucay salaadaha taraawiixda

0
379

Wargeyska Khaleej Times ayaa ku warramaya in dowladda Isku tagga imaaraadka carabta ee UAE-da ay soo saartay amar dadka la xanuunsan cudurka COVID-19 ka hor istaagaya in ay ka qayb galaan salaadaha jamaacada ee taraawiixda iyo ciidaha ee lagu tukado masaajidda.
Waxaa arrinkan shaaciyay Dr. Cumar Habtoor Dheeb Al Darei oo xubin ka ah golaha fatwada ee imaaraadka.
Dr.Cumar ayaa carrabka ku dhuftay in iyada oo la sooman yahay sidoo kalena cibaadooyinka la gudanaya ay dhanka kale lagama maarmaan tahay tixgelinta badqabka bulshada.