Wasaaradda caafimaadka oo dadka qaatay tallaalka COVID-19 ku boorrisay in ay sii taxaddaraan

0
390

Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shakhsiyaadka laga tallaalay cudurka COVID-19 kula talisay in ay sii wadaan u hoggaansanka amarrada dowladda iyo talooyinka ka dhanka ah xanuunkan.
Wasaaradda ayaa xustay in shakhsiyaadkan si la mid ah dadka kale laga doonayo in ay isticmaalaan afduubka , gacmaha inay si joogto ah u dhaqdaan , in ay iska ilaaliyaan meelaha dadku ku badan yahay sidoo kalena ay ilaa 6 tallaabo isku jirsadaan qofka ugu dhow.
Wasaaradda caafimaadka ayaa shalay sheegtay in tirada dadka ee qaatay tallaalka cudurka COVID-19 ay tahay 487,278 qof.
Shakhsiyaadkan ayaa isugu jiro 118,833 oo ah saraakiisha caafimaadka , 39,523 oo ah ciidamada ammaanka, macallimiin dhan 70,338 iyo qaybaha kale ee bulshada oo gaaraya 258,584 ayna ka mid yihiin dadka da’doodu tahay 58 sano iyo wixii ka weyn.