Pedro Castillo oo hogaaminaya natiijada hor dhaca ah ee doorashada dalka Peru

0
478

Natijada hor dhaca ah ee doorashada wadanka Peru ayaa muujinaysa ilaa iyo haatan codadka la tiriyay in uu hoggaanka u hayo musharraxa lagu magacaabo pedro Castillo.
Dalka Peru ayay shalay ka dhacday doorashada guud waxaana xilka ugu sareeya dalkaasi loolan ugu jira musharixiin gaaraya ilaa 18 kuwaas oo dhamaantood dadaal badan ku bixinaya sidi ay ku noqon lahayeen madaxwaynaha xiga ee Peru.
Pedro Castillo oo 51 sano jir ah horayna macalin u soo noqday ayaa haysta 16.1 boqolkiiba codadka ilaa iyo haatan la tiriyay.
Sida ka muuqata natiijadan hor dhaca ah waxaa kaalinta labaad ku wada jira haweenayda lagu magacaabo Keiko Fujimori iyo Hernando de Soto, kuwaas oo wada haysta 11.9 boqolkiiba
Halka kaalinta afaraad uu ku jiro musharraxa lagu magacaabo Rafael Lopez Aliaga, kaas oo haysta codod gaaraya 10.5% boqolkiiba.