Kuuriyada Koonfureed oo bilaabi doonto soo saaridda tallaalka nooca Novavax ee looga hortaggo COVID-19

0
508

Kuuriyada Koofureed ayaa sheegtay maanta inay qorsheyneyso inay billowdo soo saaridda tallaalka nooca Novavax Inc ee looga hortaggo COVID-19 horaanta bisha Lixaad ee sanadkan.
Sidoo kale shan shirkadood oo maxalli ah ayaa bilaabaya tijaabada tallaalo iyaga u gaar ah.
Arrintan ayaa timid ka dib markii madaxweynaha dalka Kuuriyada Koonfureed Moon Jae-in uu qabtay kulan gaar ah oo ku saabsan dadaallada la dagaalanka cudurka iyo horumarinta tallaalka maadaama laga cabsi qabo in wadankaas ay saameyso mowjadda afaraad ee Covid-19.
Wasiirka Caafimaadka dalka Kuuriyada Koonfureed Kwon Deok-cheol ayaa sheegay in shirkadda SK Bioscience ay awooddo inay billowdo soo saaridda talaalka Novavax COVID-19 horaantii bisha Lixaad kuwaas oo qiyaas ahaan dhan 20 milyan.
Shirkadda Mareykanka ee soo saarta daawooyinka ayaa heshiis la saxiixatay shirkadda SK Bioscience si ay Kuuriyada Koonfureed ugu soo saarto 40 milyan oo ah tallaalka COVID-19.
Kuuriyada Koofureed waxay billowday ololaheeda tallaalka dabayaaqadii bishii labaad ee sanadkan iyada oo ujeedkeedu yahay inay tallaasho 52-da milyan ee ah muwaadiniinteda.